Dhisme ka kooban 9 dabaq oo ku dumay Ruiru

0
466

Wararka naga soo gaaraya xaafadda Membley ee deegaan baarlamaneedka Ruiru ee ismaamulka Kiambu ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dumay dhisme ka koobnaa 9 dabaq.
Guriga ayaa weli dhisidiisu gacanta lagu hayay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labo qof oo ilaalo ahaa ay badbaadeen iyagoo aan dhaawacmin.
Ciidamada booliska ayaa goobta xiray waxaana hadda socdo baaritaano ku aaddan sababta keentay in dhismahaasi uu soo dumo.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dhacdadan ay ku burbureen labo baabuur oo la dhigay gurigaasi dumay agtiisa.
Waxaa hadda goobta ku sugan oo baaxadda burburka qiimeynaya saraakiil ka socdo maamulka qaran ee dhismaha ee (NCA) iyo howlwadeenada qorsheynta ee dowlad deegaanka Kiambu.