Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu cudurka COVID19 haleelay 74 qof oo dheeraad ah ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 3,987 .
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee wadanka ayaa hadda ah 252,033 .
Kiisaska cusub dadka laga helay waxay isugu jiraan 54 Kenyaan iyo 20 ajaaniib ah.
Dhanka jinsiyadda 44 ayaa rag ah iyadoo 30 ay haween yihiin oo ay da’doodu u dhexeyso 7 sano jir ilaa 101 .
Waxaa xanuunka COVID19 ka caafimaaday 76 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 245,254 .
8 bukaan oo dheeraad ah ayaa cudurka u dhimatay waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay corona ee Kenya tahay 5,223.
Isbitaallada dalka waxaa ku jiro oo COVID19 la xanuunsan 590 halka 1,556 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 34 bukaan ay ku jiraan qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano (ICU).
Tirada daawooyinka tallaalka ka dhanka ah COVID19 ee ay wasaaraddu ilaa iyo hadda adeegsatay ayaa ah 4,500,179
Wasiir Kagwe waxaa uu xusay in dowladdu ay ku dadaalayso sidii cudurka looga tallaali lahaa 27,246,033 oo qof.