Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo labo askari oo dhac gaystay xukun ku riday

0
448

Maxkamad ciidan oo ku taala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa labo askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ku xukuntay min toban sanno oo xarig ciidan ah, kadib markii lagu helay dambi ah inay dhac u gaysteen xarun ganacsi oo ku taala isgoyska Soobe.
Labada nin oo midkood uu ka tirsanaa ciidanka booliska, mid kalena uu ka tirsanaa ciidamada asluubta ayaa 29 kii Juun ee sannadkan ka soo muuqday kaamirada qarsoon ee xarun ganacsi oo ay dhac ka gaysanayeen, taasoo fududaysay in midkood la soo qabto, halka ka kalena uu wali baxsad ku maqan yahay.
Labada askari oo la kala yiraahdo Faarax Cabdillaahi Calasoow iyo Maxamad Abshir Maxamad ayay garsoorayaasha xukunkooda gacanta ku hayay sheegeen in lagu helay dambiga lagu soo oogay, isla markaana lagu xukumay toban sanno oo xarig ah iyo bixinta hantida ay dhaceen oo lagu sheegay $12945.
Garsoore Gaashaanle Maxamad Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaashii xukunka riday ayaa sheegay in ragga uu xukunku ku dhacay ay haystaan muddo 30 cisho ah oo ay racfaan uga qaadan karaan xukunka ku dhacay.