Masjidka barakaysan ee Makkah oo si buuxdo loo furay

0
468

Masjidka weyn ee barakaysan ee Makkah Al-Mukaramah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka dunida dabayaaqadii sanadkii 2019-kii halakeeyay ee Covid-19, ka dib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay xanuunkasi.
Waxaa meesha laga saaray astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala fogaadaan, haatanna waxaa dadka loo ogolyahay in sidii caadiga ahayd ay garbaha isku qabtaan.
Hasa ahaate waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin afxirka ama masakarada lagu xirto afka iyo sanka.