Waxaa maanta dalka Lebanon laga xusayaa sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay kacdoon halkaasi ka dhacay oo ay shacabka dhigeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedeen dowladda.
Dadweynaha ayaa walaac ka muujinayay falalka musuqmaasuqa iyo tallaabooyin dhaqaale oo ay dowladda wadankaasi soo saartay.
Dibadbaxyada ayaa xilligaasi ka billowday magaalada Beirut waxayna dadka ka soo horjeedeen qorsho ahaa in canshuur lagu soo rogo isticmaalka wicitaannada barta la isugu diro farrimaha degdegga ee WhatsApp.
Mudaharaadyada ayaa si durba ah ugu fiday qabaha kale ee dalkaasi Lebanon waxaana lagu tilmaamay kacdoonkii ugu waynaa ee muddo sanado ah.
17-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaasha oo doonayay inay gudaha u galaan xarunta dhexe ee dowladda.