Madaxweyne Uhuru oo ka tacsiyeeyay geerida sawir qaadihii madaxtooyada

0
421

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta uu ka baxay Henry Muriithi Nyaga oo geeriyooday galinkii dambe ee shalay.
Mr. Henry ayaa ahaa sawir qaadaha madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in Muriithi uu si dacaadnimo ay ku dheehan tahay u gudan jiray waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa uu qoyska sawir qaadaha geeriyooday u xaqiijiyay inuu taageero u hayo xilligan oo ay murugaysan yihiin.