Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee laga soo masaafuriyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadkaas ay Soomaaliland xamili weysay amni ahaan iyo Dhaqaalo ahaan intaba, ayna gawaari kusoo qaadeen, iyagoo si nabad ah ugu wareejiyay Maamulka Puntland si ay u gaaraan degaannada Koonfur Galbeed oo ay kasoo jeedaan.
Isagoo ka jawaabayay eedeyn ku aadan dadka ay soo musaafuriyeen ayuu sheegay in degaannada Puntland mar walba lagu dilo sida uu hadalkiisa u dhigay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed islamarkaana aysan jirin sabab Soomaaliland lagu eedeeyo.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliland ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyaa inay dayaceen Shacabkooda loogana baahan yahay inay xaaladda ammaanka Muqdisho iyo gobollada kala wax ka qabtaan.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sidoo kale eedaymo u jeediyay hay’adaha Qaramada midoobay.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay doorashada Xubnaha gobollada waqooyi ka soo jeeda ee Muqdisho lagu dooranayo.
Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliland Maanta ka jeediyay munaasabadda xuska Maalinta ay Soomaaliland u taqaano Maalinta shuhadada SNM.