SUPKEM oo xoojinaysa dulqaadka dhinaca siyaasadda

0
375

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM ayaa billaabay wada hadallo looga gol –leeyahay in lagu adkeeyo sida la isugu dulqaadan karo kala duwanaanshaha diimeed iyo siyaasadeed.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in looga hor tago rabshado kala qaybsanaan keeni karo oo dalka ka dhaco ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Barnaamijka uu wado golaha SUPKEM ayaa loogu magacdaray wada noolaansho nabad ah oo dhanka dhaqamada, diimaha , siyaasadda iyo hab-nololeedka ah .
Waxaa si wadajir ah u fulin doono dhallinyarada , culimada iyo maamullada deegaanada hoose ee dalka iyadoo laga wada xaajoon doono caqabadaha dhiirigelin karo xagjirnimada si la iskaga ilaaliyo.
Guddoomiyaha dalladda SUPKEM ee ismaamulka Nyeri ,Idd Suleiman ayaa sheegay inay sidoo kale dhallinyarada ka wacyigelinayaan in siyaasiyiintu ay adeegsadaan xilliga ololaha doorashada , codeynta iyo ka dib doorashada.
Ismaamullada barnaamijyada wacyigelinta ee wada nolaanshaha nabdoon laga sameyn doono waxaa ka mid ah Nakuru, Kakamega, Nyeri iyo Nairobi.