Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed Khadar ayaa ku baaqay in doorashada wadanka la dadajiyo maadaama ay doorashadu tahay jidka kali ah ee dadka Soomaaliyeed ku kala nabad geli karaan doorasho la’aantuna ay dalka halis galinayso.
Mahdi Guulleed ayaa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ugu baaqay inay si dhaqsi ah u bilaabaan doorashada golaha shacabka maadaama ay u muuqato in laga maagayo oo lagu dhiiran la’yahay, isagoo ballanqaaday in toddobaadka dambe guda galayaan dardargelinta doorashada xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed ka soo galaya gobollada waqooyi.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo ku baaqay in doorashada la dadajiyo