Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa loogu yeeray inuusan musharrax xilka madaxtinimada u loolamayo u soo jeedinin Kenyaanka ka hor doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka.
Xilli ay saxaafadda kula hadleen magalada Chuka ee ismaamulka Tharaka Nithi, kooxda wada-hadalka ee dowlad deegaankaasi ayaa u sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu fasaxo dadweynaha inay doortaan cidda ay doonayaan ayaga oo aan lagu qasbin.
Silas Wamugunda, oo ah guddoomiyaha kooxdaan ayaa xusay in Mr. Kenyatta uu diyaar u noqdo inuu xilka ku wareejiyo cidda ay shacabka Kenyaanka u doortaan madaxweynaha xiga.
Waxaa ugu yeeray madaxda siyaasadeed iyo kuxigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, inay dhinac u dhigaan farqiga u dhaxeeya islamarkaana heshiyaan ayaga oo eegaya danta horumarka iyo midnimada qaranka.
Waxaa uu xusay in is gacan qaadkii Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ay nabad dhalisay, waxaana la oofin karaa oo kaliya marka dhammaan hoggamiyeyaasha kale laga qayb galiyo heshiiska.
Kooxdaan ayaa dooneysa olole nabad ah, kana doonayaan dowladda inay si dhameystiran u maalgeliyaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC iyo laamaha kale ee loo igmaday inay xaqiijiyaan doorasho xor iyo xalaal ah.
Mr Wamugunda ayaa xusay in guddiga IEBC aysan gaari karin higsigeeda ah inay diiwaangeliso 6 milyan oo codbixiyaal cusub, hadaysan sare u qaadin siday wax u waddo.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo loogu yeeray inuusan musharrax madaxweyne u soo jeedininin Kenyaanka