DHAGEYSO:Shil Hargeysa ka dhacay oo khasaare ka dhashay

0
365

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku geeriyootay sidDeed kalana wey ku dhaawacmeen ka dib Shil Gaari oo xalay xilli dambe ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimadda jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday Soomaaliland.
Shilka ayaa yimid markii ay isku dhaceen laba Gaari oo kala ah Nooha iyo Dhayna, xilli ay marayeen Kontoroolka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliland oo goobta Shilku ka dhacay tegay ayaa sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin Saddex Haween ah, Cunug yar iyo Darawalka mid kamid ah Gawaarida Shilka gashay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka ku dhaawacmay Shilkaas, wuxuuna ugu baaqay Darawalada Gaadiidka inay ka taxadaraan wadista Gawaarida si aysan dhibaato uga dhalan.
Sidoo kale mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Hargeysa ayaa warbaahinta la hadlay.

Magaalada Hargeysa iyo dhamaan degaannada Soomaaliland ayaa waxaa marar badan ka dhaca Shilalka Gawaarida, waxaana Somaliland ay sheegtay inay mas’uul ka yihiin Darawalada Gaadiidka oo si aan wanaagsaneyn Gawaarida u wada iyo meelaha qaar oo ay wadooyinku xun yihiin.