Baarlamaanka Puntland oo Meelmariyay Xeerka Codbixinta

0
570


Kulan aya Maanta Magaalada Garowe ku yeesheen Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa loagu meelmariyay Xeer horay loogu soo gudbiyay.
Kulankaan oo ahaa Fadhiga 26-aad, Kalfadhigiisa 47-aad ee Golaha Wakiillada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulkaasi Abdirashid Yusuf Jibril iyo ku xigeenadiisa ayaa looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Fadhiga maanta oo ay joogeen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland qodob-qodob uga doodeen Xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, Wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Maamulka Puntland.
Golaha ayaa sheegay in Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha uu si faah-faahsan uga hadlayo dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, wuxuuna ka kooban yahay 36 Qodob.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Maamulka Puntland ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, ayadoo ay 2 mudane diiday, halka uusan jirin hal mudane oo ka aamusay.