DHAGEYSO:Raila Odinga oo rajeynaya in wakiillada ismaamullada ay ansaxiyaan hindise sharciyeedka BBI

0
654

Madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga oo maanta bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay inuu rajeynayo in 24 ka mid ah ismaamullada wadanka laga ansaxiyo hindise sharciyeedka BBI.
Tani ayaa imaanaysa in iyadoo wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay qorshahan meel mariyeen.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jirto rajo ah in ugu yaraan 23 ismaamul oo kale laga meel marin doono hindisaha sharci beddelka ka hor dhammaadka bishan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in arrimaha BBI ay dani ugu jirto mustaqbalka dalka .
Mr. Odinga ayaa shakhsiyaadka ka soo horjeedo qorshahan ku dhaliilay in ay muujinayaan dareen aynan qabin in badan oo shacabka ka mid ah.

Sidoo kale waxaa uu beeniyay in dalka uunan wakhti xaadirkan lahayn mucaarad awood leh oo dowladda la xisaabtamo.
Madaxa ODM ayaa xusay in markii ay arkeen dhibaatadii dalka ka jirtay sanado ka hor ay garteen in ay lagama maarmaan tahay in dowladda talada haysa lala heshiiyo

Raila Odinga oo u warramay telefishinka Inooro ayaa ka jawaabay eedeynta ah in wakiillada ismaamullada lagu laaluushayo ansaxinta hindise sharciyeedka BBI


Sidoo kale waxaa uu difaacay waxqabadka madaxweyne Uhuru Kenyatta isagoo dhanka kale dhaliil u jeediyay ku xigeenkiisa William Ruto


Mr. Odinga ayaa dhanka kale sheegay in khilaaf shakhsiyeed uunan kala dhexeyn Ruto balse ay isku hayaan oo keliya aragti siyaasadeed.


Waxaa uu dhanka kale sheegay in uunan diyaar u ahayn inuu shaaciyo qorshihiisa siyaasadeed ee sanadka 2022-ka ilaa iyo inta laga gudbayo geeddisocodka sharci beddelka ee BBI

Mr. Odinga oo sheegay in khilaaf shakhsiyeed uunan kala dhexeyn William Ruto balse ay isku hayaan oo keliya aragti siyaasadeed ayaa xusay in uunan diyaar u ahayn inuu shaaciyo qorshihiisa siyaasadeed ee sanadka 2022-ka ilaa iyo inta laga gudbayo geeddisocodka sharci beddelka ee BBI