Madaxweynaha dalka oo sheegay in la yareeyay falalka argagixisada

0
513

Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadaallo ay sameyeen ciidamada ammaanka ee wadanka hoos loogu dhigay dhacdooyinkii argagixisada.
14-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii ciidamada difaaca dalka ay gudaha u galeen wadanka Soomaaliya.
Mr. Kenyatta oo shalay ka hadlay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegatay tallaabadii ay saraakiisha difaaca ugu gudbeen Soomaaliya ayaa xusay inay wax badan ku biiriyeen xasiloonida gobolka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sare loo sii qaadi doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Mr. Kenyatta ayaa tilmaamay in Kenya aynan marnaba gorgortan ka geli karin sugidda amniga dhulkeeda.