Abaarta ka jirta waqooyiga daka oo malaayiin qof ku riixeysa inay wajahaan gaajo

0
493

Qaramada midoobay ayaa sheegtay In ka badan 465,000 oo carruur ah oo ay da’adooda ka hooseyso shan sano iyo in ka badan 93,000 oo ah haween uur leh iyo kuwa naas nuujinaya oo ku nool dowlad deegaannada oomaanaha ee loo yaqaano ASALs ee waqooyiga dalka ay nafaqo darro wajahaayaan.
Hay’adda carrabka ku adkeeysay in ismaamullada waqooyiga dalka ay ka jirto baahi daran ka dib saameyn xooggan oo ka soo gaartay abaarta.
Qiimaha cunnada ayaa sare u kacay boqolkiiba 16 gaar ahaan ismaamulka Marsabit sida laga soo xigtay maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP ayaa dhankeeda sheegtay in hadii uusan roob da’in ay la micno tahay in 2.4 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga dalka ay la halgami doonaan sidii ay u heli lahaayeen cunno ku filan marka la gaaro bisha 11-aad ee sanadkan.
WFP ayaa xustay in abaarta ka jirta qaybo ka mid ah wadanka Kenya ay korortay saddex jibaar marka la barbardhigo sanadkii hore.
Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda cunnada adduunta ee WFP ay shaacisay qorsho lagu sii yareynaya qoondada cuntada ee la siiyo qaxootiga ku nool gudaha Kenya.
Waxaa sidoo kale dowladda Kenya iyo qaramada midoobay ay si rasmi ah u codsadeen in lagu taageero dhaqaale gaaraya 139.5 milyan oo doolar una dhiganta 15 bilyan oo shilin si wax looga qabto saameynta abaarta.
Dhaqaalahan ayaa hadii la helo waxaa gargaar loogu fidin doonaa 1.3 milyan oo qof oo ay dhibaatadan si gaar ah u saameysay.
Inta badan waqooyiga dalka ayaa la saadaalinayaa in roobab dhexdhexaad ah ay bishaan ka da’aan, sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee wadanka.