DHAGEYSO:Aabaha dhalay nin carruur laayay oo lagu dilay Bungoma oo doonaya in dowladda garab ka siio aaskiisa

0
735

Robert Wanjala, oo ah aabaha dhalay nin carruur laayay kadibna xabsi ka baxsaday oo lagu dilay ismaamuljka Bungoma ayaa dowladda ka codsaday in laga caawiyo sidii uu aasi lahaa wiilkiisa.
Masten Wanjala oo ah 20 sano jir qirtay inuu dilay carruur dhowr ah kadibna dhawaan ka baxsaday saldhigga booliska ee Jogoo Road ee magaalada Nairobi ayaa gelinkii dambe ee maalinkii Khamiista ay dileen shacab careysan oo isugu tagay.
Aabaha dhalay Wanjala ayaa sheegay inuusan haysan dhaqaale uu ku aaso wiilkiisa islamarkaana uu doonaya in garab laga siiyo duugtiisa.
Mr. Robert ayaa dhanka kale xaaskiisa hore ku eedeeyay in wiilkeyda aysan si wanaagsan u barbaarin taas oo uu sheegay inay sababtay in falal aan wanaagsaneyn u ku kaco.
Aabaha Wanjala oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Bungoma ee gobolka galbeedka dalka ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa