Nin ku eedeysan dilka mudane ka tirsanaa baarlamaanka Britain oo la qabtay

0
457

Waxaa shalay toorey lagu diley xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Britain oo lagu magacaabo David Amess oo da’diisu ahayd 69 sano jir.
Waxaa uu ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee Conservative, iyadoo dilkiisa loo xiray nin 25 jir ah.
Warar ay warbaahinta caalamka ah qortay ayaa lagu sheegey in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaeysa qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in ninkan weerarka loo xiray loo badinayo inuu yahay muwaadin British ah, balse asal ahaan ka soo jeeda wadanka Soomaaliya.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad oo la xiriira dilka xildhibaanka.