Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaano galgaduud ka tirsan

0
348

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in degaano hoostaga degmada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku sugan deegaano duleedka ka ah degmada Guriceel.
Todobaadkii labaad ayaa waxaa degmada Guriceel ku sugan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo dhankooda la soo sheegayo inay mararka qaar dhaqdhaqaaqyo ciidan sameeyaan sidoo kale saldhiguo ka sameystay gudaha iyo daafaha maagalada Guriceel.
Wararka maanta ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in saaka ilaa xalay dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen degmadaasi, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo maadaama ciidamo is diidan ay aaga magaaladaasi ku sugan yihiin.