Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay gobolka Homs ee dalka Suuriya ayaa lagu dilay hal sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada militariga ee wadankaasi.
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu dilay saddex dagaalyahaan oo la rumeysan yahay inay gacan saar la lahayeen dowladda Iiraan.
Weerarka waxaa dhanka kale ku dhaawacmay toddobo qof.
Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan ciidamada difaaca ayaa ku warramaysa in weerarku uu ka dhacay meel u dhow magaalada bari ee Palmyra.