DHAGEYSO:Haweenka Galmudug oo baaq u diray maamulka dowlad goboleedkaasi iyo Ahlu Sunna

0
491

Haweenka ku nool Caasimadda Galmudug oo shir la yeeshay qaybo kale oo ka mid ah bulshada magaalada Dhuusamareeb iyo xildhibaan Shaacir Sheego oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug in wada hadal lagu xalliyo xiisadda ka taagan deegaano ka mid ah dowlad goboleedkaasi.
Luul Xasan Salaad oo ah Xoghayaha Ururka Haweenka Caasimadda Galmudug ayaan ka wareeysanay shirkaan iyo waxyaabihii ka soo baxay waxaana khadka taleefoonka kula xiriiray Cubeyd Xasan Maxamuud oo nooga soo warramo gobolka Galgaduud.