Maxaabiista dhaqdhaqaaqa Palestinian Islamic Jihad oo cuntada ka af-xirtay

0
521

Dhaqdhaqaaqa la magac baxay The Palestinian Islamic Jihad ayaa maanta sheegay in maxaabiista uga xiran gudaha Israa’iil ay cuntada ka af-xirteen.
Arrintan ayay kaga falcelinayaan tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo ciqaab ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.
Tani ayaa timid ka dib markii 6 qof oo u dhashay Falastiin ay bishii hore ka baxsadeen xabsiga Gilboa.
Waxaa cuntada ka soomaya ilaa 400 oo maxaabiis ah iyagoo taageero ka helaya dhinacyo kale.
Xabsiyada Israa’iil waxaa ku jiro 4,600 oo ah maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 35 haween iyo 200 oo carruur ah.