Eedeysane qirtay dilka in ka badan 10 carruur oo ka baxsaday xabsigii lagu hayay

0
504

Masten Millimo Wanjala, oo ah eedeysane qirtay dilka in ka badan 10 carruur ah, ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday xabsigii lagu hayay.
Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka, Wanjala ayaa lagu hayay saldhigga booliska ee waddada Jogoo ee magaalada Nairobi oo ah goobtii uu ka baxsaday.
Waxaa weli caddeyn sida eedaysanaha 20 jirka ah ugu suurtagashay inuu ka baxsado gacanta booliska.
Laamaha amaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha bartamihii bishii Toddobaad ee sanadkan ka dib su’aalo la weydiiyay uu sheegay in carruurta uu ku kala dilay xaafado ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa dhanka kale dembi baarayaasha ay bishii hore xaqiijiyeen in Wanjala uu sidoo kale afar carruur ah ku dilay ismaamulka Bungoma, taas oo ka dhigaysa 13 tirada dhalaan uu ka takhalusay.
Waxaa lagu waday inuu wajaho 13 dacwadood oo dil ah, islamarkaana qorshuhu ahaa in maanta uu kasoo hormuuqdo maxkamadda.