In ka badan 11,000 oo shaqaale oo ka howlgalayay xarunta City Hall ee magaalada Nairobi ayaa maanta dhigay qalabkii ay ku shaqeynayeen.
Tani ayaa timid ka dib markii sida ay sheegeen aan la xallin tabashooyinkooda.
Waxyaabaha ay howlwadeenada ka cabanayaan waxaa ka mid ah caymis caafimaad, mushaar iyo gunnooyin ka soo dib dhaco iyo lacago laga jaro oo aan nidaamsanayn.
Sidoo kale waxay sheegayaan in aan la siin lacagaha gunnoyinka ee labiska iyo marka ay saacado dheeraad ah shaqeyaan.
Xoghayaha ururka shaqaalaha ee ismaamulka Nairobi Festus Ngari ayaa wacad ku maray inay shaqo joojinta sii wadayaan ilaa iyo inta laga xallinaya caqabada dhanka shaqo ee ay wajahayaan.