Maxkamad ku taalla ismaamulka Nakuru ayaa amartay in eedeysane lagu magacaabo Victor Kiprono Ng’eno uu saldhigga booliska ku jiro 14 cisho.
Laamaha ammaanka ayaa muddadan ku soo gabagabeyn doono baaritaanada la xiriira eedeyn loo jeediyay oo ah inuu si been abuur ah ugu shaqeysanayay inuu garsoore yahay.
Waxaa uu Ng’eno ka soo hormuuqday garsoore Rose Obata isagoo wajahaya dacwad ah inuu lacag ku helay qaab khiyaano ah.
Saraakiisha dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in ay jiraan dad dhowr ah oo ka cabanaya inuu Victor khiyaanay.
Eedeymaha uu wajahaya ayay mar kale maxkamadda Nakuru soo hadal qaadi doontaa 26-ka bishan Tobnaad.