Madaxweynaha dalka oo kulan la qaadanaya dhiggiisa Maraykanka

0
404

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa berri oo ay taariikhdu tahay 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan kulan la qaadan doono dhiggiisa Maraykanka Joe Biden.
Shirka oo ka dhacaya aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa diiradda lagu saari doonaa danaha ay labada wadan wadagaan.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Kenyatta iyo Biden ay ka wada hadli doonaan qodobbo ay ka mid yihiin amniga , iskaashiga dhaqaale iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Waxaa bayaanka Kanze ku cad in shirkan uu yahay mid daba socdo xiriir dhanka taleefoonka oo ay horay u yeesheen labada mas’uul bishii labaad ee sanadkan.
Madaxweyne Kenyatta ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Afrika ee uu Joe Biden ku qaabilo aqalka cad tan iyo markii uu hoggaanka Maraykanka la wareegay .