Madaxweynaha dalka oo la kulmay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso

0
755

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal laba geesood ah la yeeshay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guteress.
Waxaa uu kulankooda ka dhacay xarunta qaramada midoobay ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Mr. Kenyaatta oo booqasho rasmi oo laba cisho ah ku jooga wadanka Mareykanka, ayaa labada mas’uul waxay kawada hadleen dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen caafimaadka iyo amniga.
Waxaa ay sido kale ka hadleen sidii xal waara ah looga heli lahaa colaada daba dheeraatay ee u dhexeysa dowladda Itoobiya iyo jabhada gobolka waqooyi ee Tigray.
Waxaa ay dhanka kale ku baaqeen in xal loo helo dhibaatada ay wajahayaan shacabka ku nool dalka Haiti.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u xaqiijiyay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antony Gutress inay ka go’an tahay la shaqeynta jimciyadda qurumaha ka dhexeyso.
Maanta ayaa lagu wadaa in madaxweyne Uhuru kenyaatta uu shir gudoomiyo kalfadhiga golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaas oo lagu soo bandhigi doona fikrado iyo xalal ku aaddan nabadda iyo amniga adduunka ee aagagga geeska Afrika iyo gobolka Saaxil oo ay dhibaato ka jirto.
Dhawaan ayay ahayd markii Kenya la wareegtay madaxtinnimada golaha ammaanka ee qamarada midoobay ee bishaan.