Rw Rooble oo hambalyo ku aaddan calanka u diray bulshada aoomaaliyeed

0
666

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeyay maalinta Calanka Soomaaliya oo ah 12-ka bisha Oktoobar.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu sidaan ku yiri “waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12-ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor”
Wuxuu intaa sii raaciyay “Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto., Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda”.
Sanad walba 12-Oktoobar si weyn ayaa loo xusaa maalintan waxaana la qabtaa xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikada Calanka iyo marxaladihii laga soo samaray alifidiisa.