Dad badan oo lagu dilay qarax ka dhacay Masjid ku yaala dalka Afganistaan

0
610

Tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaal magaalada Kunduz ee waqooyi bari dalka Afghanistan intii lagu jiray salaadda Jimcaha maanta.
Waana weerarkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii ay Talibanka la wareegeen maamulka bishii Ogosto.
Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasan, ISKP ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyada oo ku shaacisay barteeda internetka ee Telegram.