Howlgal ballaraan oo laga sameeyey waddada isku xirta Nairobi Iyo Mombasa

0
732

Saraakiisha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA oo kaashanayaan ciidamada booliska ee taraafikada ee ismaamulka Machakos ayaa howlgal ka dhan ah gawaarida aan waddooyinka ku wanagsaneyn islamarkaana ciladeysan ka sameeyeen waddada isku xirta caasimadda dalka ee Nairobi Iyo dowlad deegaanka Mombasa.
Waxaa ay sheegeen saraakiisha NTSA in howlgalkani lagu yareynaya kiisaska shilalka ka dhaca waddooyinkan.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Machakos Cissa Maxamad ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono gawaarida aan waddooyinka ku wanagsaneyn madaama ay khatar gelinayaan nolasha dadweynaha ama rakaabka .
Qaar ka mid ah daraawalada gawaarida gacanta lagu dhigay inta howlgalkani uu socday ayaa sheegeen in aysan meelna uga dhicin sharciyada waddooyinka uu degsan.