Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ee 12-ka bishan ee ku beegan maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau ayaa sheegay maanta in xukunka kasoo bixi doono maxkamadda ICJ aysan dowladda Kenya u hoggaansami doonin.
Waxaa uu sheegay in maxkamadda aysan lahayn awood ay ku go’aan uga soo saarto muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Mr. Kamau ayaa ku andacooday in maxkamadda ay muujisay inaysan dhex-dhexaad ahayn islamarkaana ay u eexatay hal dhinac.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladda ay rumeysan tahay in khilaafka badda ee labada dal lagu xalliyo wadahadal nabadeed.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau ayaa tilmaamay in dacwadda maxkamadda loo gudbiyay ay tahay iskuday ay Soomaaliya ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo soo billowday sanadkii 1969-kii.
Horraantii sanadka ayay ahayd markii Kenya ay isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.
Xukunka maxkamadda ICJ ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii badda ee todobada sano ka hor ay dowaladda Soomaaliya u gudbisay maxkamaddaasi.