Gabar 15 jir ah oo ku nool miyiga Hindiya ayaa la sheegay inay labadii bilood ee la soo dhaafay maalin walba indhaheeda ka soo baxayeen dhagxaan yaryar, dhakhaatiirtuna aysan hayn wax sharraxaad ah.
Sida laga soo xigtay qoyska gabadha, dhagxaan yaryar ayaa bilaabay inay ka soo dhacaan indhaheeda 17 -kii July, waxayna tan iyo maalintaas ooyaysay inta u dhexeysa 10 ilaa 15 ilmood oo dhagax ah.
In ka badan 70 oo ah ilmada dhagaxa ayaa la uruuriyay labadii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii la soo tabiyay arrinkan la yaabka leh.
Hadda, Chandni oo 15-jir ah ayaa bilawdaa in ay indhaheeda ka tirtirto dhagxaanta yaryar laga bilaabo abbaaro 6 subaxnimo ilaa fiidkii.
Sababo jira awgood, dhagxaanku kama soo dhacaan indhaheeda habeenki.
Muuqaal gaaban oo soo baxay dhowr maalmood ka hor, Chandni ayaa lagu arkayay iyada oo ku soo bandhigaysa dhagxaanta yaryar siiba dhanka isha bidix.
Sido kale ishan ayaa soo barartay balse marka la taabto ayaa waxaa ka soo dhici dhagxaan yaryar.
Ka dib markii dhagaxu ka dhaco isha bidix ee gabadha, mid kale ayaa soo ifbaxa, markan dhanka isha midig kaas oo laga soo saaro.
Qoyska Chandni iyo qaraabadeeda ku nool tuulada Gadiya Balidaspur, gobolka Uttar Pradesh ee Hindiya, waxay ku qanacsan yihiin in gabadhu ay ilmeyneyso dhagax , laakiin dhakhaatiirta indhaha ayaa ku adkeysanaya in waxaas oo kale aysan macquul ahayn.
Dr. Awadhesh Kumar, oo ah dhakhtar caan ah oo ku takhasusay cilmiga indhaha, ayaa sheegay in waxaas oo kale aysan lahayn bandhig cilmiyeed, oo iyadu lafteeda ay dhagxaanta iska geliso indhaha si ay u soo jiidato indhaha dadka ama qof kale uu sidasi u sameeynayo.
Marar hore waxaa la soo tebiyay kiisas kuwan la mid ah kuwaas oo gabdho ay sheegeen in ilmadooda ay noqonayaan dhiig ama walxa kale oo adag.