In ka badan 4 milyan oo laga tallaalay COVID19

0
427

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 la siiyay ugu yaraan 4 milyan oo kenyaan ah.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid wax ku ool ah marka la eego dagaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisu ay ka go’antahay in tallaalka la siiyo ilaa 10 milyan oo qof ugu dambeyn bisha 12-aad ee sanadkan.
Warbixintii 6-dii bishan ee wasaaradda caafimaadka ee dalka waxaa lagu sheegay in tallaalka ay qaateen 4,048,66 qof.
991,360 oo ka mid ah dadkan ayaa labo mar la tallaalay.
Dowladda Kenya ayaa adeegsanaysa daawooyinka tallaallka noocyada kala ah AstraZeneca, Johnson & Johnson, Sinopharm iyo Pfizer.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda xaaladaha cudurka ee la diiwaangeliyay gudaha Kenya ay yihiin 250,728.