Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka Canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Galmudug.
Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen Ciidamada katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmad Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan ka dib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.
Waxaa uu beeniyay in gadoodka Ciidamada uu salka ku haayo is casilaadii Wasiirka Amniga Galmudug, waxaana uu sheegay in la xallin doono waxyaabaha ay ka cabanayaan Ciidamadaas.
Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan degaannada Mudug & Galgaduud ay sameeyeen gadood, balse markii dambe la xaliyay.