Mexico oo lagu xiray 12 boolis ah

0
527

Dowladda dalka Mexico ayaa xabsiga dhigtay 12 ka mid ah ciidamadeeda booliska oo lagu tuhmay inay ka qayb qaateen xasuuq loo gaystay 19 qof oo lagu sheegay tahriibayaal .
Meydadka shakhsiyaadka la dilay ayaa bishii hore laga helay gobolka ku yaalla waqooyiga bari ee wadankaas ee Tamaulipas .
Xeer ilaaliyaha guud ee gobolkan Irving Barrios ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in baaritaannada la sameeyay ay tilmaamayaan in ugu yaraan 12 boolis ah ay xasuuqa ka gaysteen degmada Camargo.
Tallaabada lagu xiray 12-ka sarkaal waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeen u hadlay booliska gobolkaas.
Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa wacad ku maray in uu soo afjari doono dilalka iyo afduubka ay gaystaan saraakiisha ammaanka.