DHAGEYSO:Khilaaf soo kala dhaxgalay wasaaradda batroolka Soomaaliya iyo guddiga khayraadka ee baarlamaanka

0
652

Wararka ayaa sheegaya inuu khilaaf soo kala dhexgalay Guddiga Khayraadka iyo Bay’ada ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.
Khilaafkaan labada dhinac ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhashay Xilka qaadistii ay golaha Wasiirada Soomaaliya ku Sameeyeen Guddoomiyihii hay’ada Batroolka Soomaaliya.
Guddiga Khayraadka iyo bay’ada ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho oo ka hadlayay Khilaafka kala dhexeeya Wasaarada Batroolka ayaa waxay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda ugu baaqeen inuu arrintaan soo Faragaliyo.
Guddoomiye ku Xigeenka guddiga Khayraadka iyo Bay’ada Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan C/fataax Maxamad Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka guddi ahaan ka soo horjeedaan Talaabada Xilka looga qaaday Guddoomiyihii hay’adda Batroolka Soomalaiyeed.