Waxaa maanta magaalada Dhuusamareebee caasimadda Galmudug ka dagtay diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor .
Ciidamada oo horay u joogay magalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan laga soo qaaday, hayeeshee maanta ayaa dib loogu celiyay, waxaana ay ka tirsan yihiin Ururka 5-aad ee Gorgor.
Wararka laga helay Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada ay ku biireen oo ay xoojin u noqonayaan ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.
Waraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadaan ay ka mid noqonayaan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgalka dib loogu soo celinayo gacanta dowladda degmada Guriceel oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan Ahlusunna.