Dowladda ayaa ku dhawaaqday Isniinta soo socota oo ayna taarikhdu ku beegan tahay 11-ka bishan Oktoobar 2021-ka inay tahay maalin fasax ah.
Arrintan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr Fred Mati’angi.
Wasiir Mati’angi ayaa sheegay in malaintaas Kenya laga xusi doono maalinta utamaduni day.
Maalintan ayaa ku beeg-matay axadda soo socota oo ay taarikhdu tahay 10-ka Oct balse Kenyaanka ayaa shaqooyiinka ka nasanaya isniinta si maalintan loogu dabaaldago.
Waa markii ugu horaysay oo Kenya laga xuso Utamaduni Day.
Dr Mati’angi ayaana ku tilmaamay in malaintaas ay Kenyaanka u heli doonaan fursad ay ugu dabaaldagaan kor u qaadida midnimada, wadajirka qaranka iyo horumarka dhaqaale ee Dalka.