Mid ka mid ah ururrada u dooda xuquuqul aadanaha ee dalka ayaa gaashaanka u daruurtay go’aan waaxda dacwad soo oogidda wadanka ee ODPP ay meesha kaga saartay kiisas la xiriira musuqmaasuqa oo gaaraya 834.
Falalkan ayaa lala xiriiriyay 15 ka mid ah ciidamada booliska ee wadanka oo ay ku jiraan saraakiil sar sare
Sidoo kale waxaa ay dacwadahan khuseeyeen 6 ka mid ah saraakiisha ismaamulka Busia u qaabilsan dhaqangelinta amarrada.
Askarta ayaa sidoo kale lagu eedeyay in ay dad garaceen oo ayna burburiyeen hanti xilli ay howlgallo ka sameyeen guri ku yaalla magaalada Nambale ee dowlad deegaanka Busia xilli ay dhaqangelinayeen amarka bandowga habeenkii.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa xadgudubyadan baaritaano ku sameeyay wuxuuna soo jeediyay in eedeysanayaasha dacwado lagu soo oogo.
Ururka xuquuqul aadanaha ee PRWG-K, ayaa waaxda dacwad soo oogidda dalka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay qaadatay si dhibanayaasha ay caddaalad u helaan.