DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay ciidamado go’doonka ka qaado deegaano Shabaabku go’doomiyeen

0
610

Ka dib markii shalay Degmada Bardaale ee gobolka Bay ay gaareen Wafdi ka socday dowladda Dhexe ayaa waxay halkaas kaga dhawaaqeen dagaal lagu qaadayo deegaanada ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee shabaabku go’doomiyeen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Difaaca Soomaaliya Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo Magaalada Bardaale kula hadlay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan ayaa sheegay inay ciidamadaan u diyaarsan yihiin sidii shabaabka ay uga Saari lahaayeen guud ahaan deegaanda Koonfur Galbeed ee ay wali ku sugan yihiin oo qaarkood ay Sanado go’doomiyeen.