Soomaaliland oo bilowday inay Hargeysa ka raafto dadka ajaanibta ah

0
447

Ciidamada Waaxda Socdaalka ee Soomaliland ayaa Maanta magaalada Hargeysa ka bilaabey raafka ama qab-qabashada qaar ka mid ah dadka ajaanibta ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Itoobiya.
Maanta ayaa Waxaa la arkayay Ciidamada Waaxda Socdaalka Soomaaliland oo dhexmaraya waddooyinka Magaalada Hargeysa, kuwaasoo qab qabanaya dad qaarkood Hooyooyin yihiin iyo dad kale oo da’ah ah, kuwaasoo u dhashay dalka Itoobiya, iyagoo isugu geynayay hal Goob si dalkooda loogu celiyo.
Dadka ayay Ciidamada sheegeen inay ku qaadayaan basas waaweyn, waxaana howlgalkaan Maanta si weyn looga dareemay Magaalada Hargeysa oo ay ku sugan yihiin Boqolaal dad Ajaanib ah, kuwaasoo qaarkood Shaqooyin waaweyn qabta.
Howlgalkaan ka dhanka ah Ajaanibta oo ay Ciidamada Soomaaliland Maanta ka bilaabeen Magaalada Hargeysa ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliland dhawaan Magaalada laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool ka musaafurisay dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyagoo sheegay inay u arkaan inay yihiin Ajaanib.