4 ka mid ah ISIS oo lagu dilay Suudaan

0
553

Howlgal amni oo laga fuliyay dalka Suudaan ayaa lagu soo warramayaa in looga takhalusay 4 xubnood oo looga shakiyay inay ka mid ahayeen dagaalyahaanada kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Howlgalka ayaa laga gaystay degmada Koonfureed ee Jabra sida laga soo xigtay adeegga guud ee sirdoonka Suudaan.
Wakaaladda wararka ee SUNA ayaa ku warramaysa in sidoo kale uu howlgalka ku dhintay sarkaal militari halka saddex kale ay dhaawacmeen.
Waxaa dhanka kale gacanta lagu dhigay 4 xubnood oo argagixisada ka mid ah.
11 eedeysanayaal oo ka soo jeedo wadamo kala duwan ayaa sidoo kale la xiray.