Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay qareen geeriyooday

0
457

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta qareen lagu magacaabi jiray Evans Monari oo xalay geeriyooday.
Xubnaha qoyskiisa ayaa laga soo xigtay inuu ku dhintay isbitaalka Nairobi Hospital oo looga daweeynayay xanuun dhinaca unugyada gudaha ee jirka oo uu u galay qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da.
Hoggaamiyaha dalka ayaa bayaan ku sheegay in garyaqaanka uu ahaa shakhsi dhanka sharciga aad loogu tiirsanaa.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in Evans Monari uu ka mid ahaa qareenada ugu caansan wadanka.
Qareenka ayaa geeriyooday ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanayay.
Evans Monari ayaa sanadkii 2016-kii ka mid ahaa guddigi loo xilsaaray soo xulidda saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee (IEBC) .
Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa sharci yaqaanadii madaxweyne Uhuru Kenyatta xilligii uu wajahayay dacwaddii maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Madaxweynaha ayaa qoyska uu qareenka ka baxay u rajeeyay samir xilligan oo ay murugaysan yihiin.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxweyne ku xigeenka dalka William Samoei Ruto oo sheegay in Evans Monari uu lahaa aragti fog iyo aqoon xeel dheer oo dhanka sharciga ah.