Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada sida Mandera, Wajeer, Garissa, Isiolo iyo Marsabit ayaa shalay sheegay inay sanadka 2022-ka taageeri doonaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Barasaabkii hore ee Wajeer Axmad Cabdullahi oo akhriyay qaraarka ka soo baxay go’aanka ay qaateen madaxda ayaa yiri
Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ayaa ku baaqay in hadii Raila Odinga uu sanadka dambe ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu wax ka qabto saameynta abaarta, helidda aqoonsiga qaran, isku dhacyada xuduudda iyo si guud baahiyaha ka jiro ismaamullada lagu tilmaamo oomanaha.
Raila Odinga ayaa dhankiisa aqbalay taageerada loo ballanqaaday isagoo xusay in caqabadda ugu wayn ee ka jirto deegaanada xoolo dhaqatada ay tahay biyo yarida .
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka waqooyi bari aynan cidna marti u ahayn oo ay leeyihiin xuquuq la siman kenyaanka kale