William Ruto oo dhallinyarada ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan

0
373

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursadda taagan oo ayna isku diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC uu shalay billaabay diiwaangelinta ugu yaraan 6 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Barnaamijkan ayaa soconaya muddo bil ah ilaa 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Ruto ayaa xusay in dhallinyarada oo doorashada isku diiwaangeliyo ay u suuragelinayso inay kaalin ku lahaadaan go’aan qaadashada arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisii.