Barlamaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeelle ayaa galabta bilaabay doorasahda labo kursi oo ka harsanayd Xubnaha aqalka sare ka soo galaya deegaanada hirshabeelle waxaana la doortay xildhibaankoo koobaad.
Cali shacbaan Ibraahim ayay wakiilada Hirshabeelle u doortay inuu ka mid noqdo sanatarada ka imaanaya Hir-shabeelle ee ka mid noqoya Barlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Cali shacbaan Ibraahim ayaa kursigaan kula tartamay Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, wareegii 3aad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo haray Cali shacbaan iyo Cabduqaadir Xanafi .
Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada oo noqotay Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir 24 cod halka Cali shacbaan uu helay 62 Cod.
Hal kursi oo aqalka sare ka tirsan walina ku harsan hirshabeelle ayaa la filayaa inay baarlamaanka maamulkaas doortaan saacadaha soo socda si maamulka hirshabeelle u noqday maamul goboleedkii sadexaad ee soo dhamaystira kuraasta aqalka sare.