Shacabka deegaanka Dadaab ayaa loogu baaqay inay qaataan kaarka codeynta iyadoo maanta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC uu billaabay diiwaangelin guud.
Ibraahim Xasan Raage oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa shacabka ku boorriyay inay qaataan kaarka u suuragelin karo inay codeyaan xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha u soo jeediyay qaadashada kaarka Huduma oo aysan dad badan weli qaadan deegaanka Dadaab , isagoo arrimahan ka hadlaya ayuu yiri.