Koonfur Galbeed oo gudi u saartay dadka Laasacaanood laga soo musaafuriyay

0
577

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Guddi kumeel gaar ah u saaray dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa lagu sheegay in Guddigaan ay raadin doonaan hantida dadka laga soo musaafuriyay Magalada laas-Canood, talaabadaas oo ah mid balmarsan Diinta & hanaanka dhaqanka dadnimada Soomaliyeed meeldhacna ku ah xaquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah oo ay ku kacday Somaliland.
Guddiga oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye ka ah Maxamed Abukar Cabdi Wasiirka Arrimaha Gudaha &Dowladaha Hoose ee KGS
Sidoo kale waxaa xubno ka ah Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ee KGS,Maxamed Cusmaan Xaaji Wasiirka Cafimaadka ee KGS,Wasiirka,Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee KGS Xasan Xuseen Maxamed iyo Cabdinasir Cabdi Caruush Wasirka Gargaarka , Maareeynta & Musiibooyinka ee KGS.
Soomaaliland ayaa muddo Saddex Maalmood oo xiriir ah waxay Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo musaafurisay in ka badan 2,000 oo qof, kuwaasoo degaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana falkaas ka carooday inta badan Shacabka Soomaaliyeed.