Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday saraakisha dalka itoobiya in aysan siyaasaddeen gargaarka bini’aadanimo ee qaramada midoobay ugu tala gashay gobolka waqooyi ay xasilooni darrada ka jirto ee Tigray.
Kenya oo xilka madaxtinimada golaha ammaanka qaramada midoobay la wareegtay bishan, ayaa walaac ka muujisay sida ay Itoobiya u maareyneyso dhibaatadda ka taagan gobolkaasi.
Arrintani ayaa timid ka dib marki Itoobiya ay muddo 72 saacadood u qabatay in ay toddobo sarkaal oo katirsan qaramada midoobay isaga baxaan dalkooda.
Saraakiisah ayaa gacan ka geysanayay jiray gargaarka biniaadanimo ee gobolka Tigray