Madaxweynaha dalka Filibiin oo ku dhawaaqay inuu siyaasadda ka fadhisanayo

0
533

Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu siyaasadda ka fadhiisan doono.
Waxaa uu sheegay in uusan u tartami doonin xilka madaxweyne ku xigeenka ee doorashooyinka sanadka dambe ee dalkaasi ka dhacayo, madaama dastuurka dalkaasi uu u oggolaaneyn inuu markale isu soo sharraxo xilka madaxweyninimo.
Mr. Duterte ayaa go’aanka uu maanta ku dhawaaqay kusoo aadaya iyadoo kaaliyihiisii hore ee muddada dheer, Senatar Bong Go, uu u gudbiyay musharraxnimadiisa xilka madaxweyne ku xigeenka xarunta guddiga doorashada ee dalkaasi.
Duterte ayaa madaxtinimada dalkaasi qabtay sanadkii 2016-kii, waxa uuna xilka hayay muddo lix sanno ah oo u dastuurka dalkaasi ogolyahay.