DHAGEYSO:Xisbiga KANU oo maanta yeeshay kulan

0
549

Senetarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa maanta sheegay in la sixi doono khaladaadkii la soo dhaafay eek a dhacay xibigiisa isagoona u hanqal taagaya jagada ugu sareeysa ee dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay xili xibiga KANU uu shirweyne ku yeeshay xarunta Bomas ee magaalada madaxda dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga,dhigiisa ANC Musalia Mudavadi iyo Kalonzo Musyoka oo hoggaamiyo Wiper.
Dhica kale Raila Odinga oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in madaxda xisbiyada kala duwan oo isku yimaado ay tusaale wanaagsan ka bixinayso muhiimadda ay midnimadu leedahay.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta oo si wanaagsan u tartamo ay xoojinayso dimuqraadiyadda dalka ka jirto.
Waxaa uu dhanka kale beeniyay in isaga , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Gideon Moi ay yihiin boqorro siyaasadeed.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynihii koowaad ee dalka Jomo Kenyatta , ku xigeenkiisi Jaramogi Oginga Odinga iyo Daniel Arap Moi oo wadanka hoggaaminayay muddo 24 sano ah ay saddexduba noolosha meel hoose ka soo billaabeen ka hor inta aynan heer sare gaarin sidaas awgeedna carruurtooda aan lagu tilmaami karin dhal boqortooyo.